Warbixin ku saabsan ballanqaadka daryeelka (Vårdgaranti på somaliska)

Laga billaabo 1/1 2007 waxaa dadweynaha ku nool gobolka Stockholm heleen Ballanqaad Daryeel gaar ah. Ulajeeddada Ballanqaadka Daryeelka waxaa ka mid ah inaad daaweyn ku hesho muddo saddax bilood ah, taasoo ka billaabanaysa taariikhda uu takhtarku qiimeeyey nooca daryeel ee aad u baahan tahay.

Tani waa ballanqaadka daryeelka

Ballanqaadka daryeelka wuxuu quseeya daryeel kasta oo qorsheysan ee ku salaysan baahi caafimaad. Gargaarka degdegga ah, sidii hore u jirtayba, waxaad ku heleysaa degdeg.

Ballanqaadka daryeelka wuxuu ballanqaadayaa booqasho takhtareed iyo daaweyn waqti cayiman gudihii.
Mararka qaarkood goobaha caafimaadka uma suurowdo inay daryeelka ku fuliyaan waqtiyadaa cayiman.
Ballanqaadku wuxuu markaa keeni karaa in laguu baddelo goob kale oo cusub. Waqtiyada baaritaanka, sida masalan raajo, kama mid aha waqtiga ballanqaadka daryeelka.

Ma qabtaa wax su’aalo ah?

Hadii ay jiraan wax su’aalo ah waxaad wici kartaa Xaafiiska Ballanqaadka Daryeelka, 08-123 134 00. Waxaad sidoo kale halkaasi wici kartaa haddii uu ballanqaadka daryeelku kuu hirgaliwaayo.

Ballanqaadka daryeelka waxaa si fudud lagu soo koobi karaa lambarrada 0-5-30-90

0 - Isla maalinka aad daryeel caafimaad raadsataa waxaad heleysaa xiriir rug caafimaad ama Tusaaleeye Daryeel (Vårdguiden) ee telefonkiisu yahay 08-320 100 (dooro talobixin daryeel caafimaad).

5 - Waxaad kulan takhtar jooga aqalka takhaatiirta xaafadda ku heleysaa muddo 5 maalmood ah.

30 - Takhtar takhasus gaar ah leh waxaad ku haleeleysaa muddo 30 maalmood ah.

90 - Haddii takhtarka takhasusuka gaarka ah leh uu u arko inaad daaweyn u baahan tahay waa in sida ugu dhaqsiyaha badan, oo aan ka badnayn 90 beri gudahood, aad taasi ku heshaa.

Ballanqaadka daryeelka marka aad booqatid takhtar takhasus gaar ah leh

Marka aad booqato takhtarkaaga jooga rugta caafimaadka, uuna go’aamiyo inaad u baahan tahay takhtar takhasus gaar ah leh, waxaa la diraa gudbin. Waqtiga ballanqaadka waxaa xisaabintiisa laga billaabayaa taariikhda gudbinta. Adiguba si toos ah ayaad ula xiriiri kartaa takhtar takhasus gaar ah leh, waxaana waqtiga ballanqaadka markaas lagaaga xisaabayaa taariikhda uu xiriirku dhacay. Waxaana markaa muddo 30 maalmood ah laguugu soo dirayaa waqti ballan ah.

Dhinaca midig waxa ku yaal warqad ballanqaad daryeel. Warqaddaa u qaado takhtarkaaga iyo takhtarkii laguu gudbiyeyba. Labadaa takhtar markaad u tagtid waxaad ka codsataa inuu mid waliba warqaddaa kaaga buuxiyo meesha kaga aaddan ee kala ah ballanqaad booqasho iyo ballanqaad daaweyn. Meel ku keydso warqadda ballanqaadka daryeelka. Haddaad 30 beri ku weydo ballanta booqashada takhtarka gaarka ah ama 90 beri aadan ku helin daryeelkaaga waxaad wacdaa oo aad caawimo ka heleysaa xaafiiska ballanqaadka daryeelka ee gobolka Stockholm. Telefon, maalmaha shaqada 8–15, 08-123 134 00.

Ballanqaadka daryeelka marka la go’aamiyo daaweyn

Hadduu takhtarka gaarka ah uu u arko inaad u baahan tahay daaweyn waa in taas lagugu billaabaa kama dambayn 90 beri gudahood laga billaabo waqtiga uu takhtarku go’aankaasi gaaray. Takhtarku wuxuu go’aanka iyo taariikhda ku buuxin karaa warqaddaada ballanqaadka daryeelka.

Haddaan daaweynta laguugu billaabin 90 beri gudahood oo aad dooneysid inaad isticmaasho ballanqaadka daryeelka – wac xaafiiska ballanqaadka daryeelka ee gobolka Stockholm markaa waxaad heleysaa caawimo. Telefon maalmaha shaqada 8-15, 08-123 134 00.

Artikeln uppdaterad: 2008-08-12
Ansvarig redaktör: Anna Bendt, Vårdguiden

0 av 0 läsare (0%) har svarat att de har haft nytta av informationen
Hade du nytta av informationen? Ja Nej
Ja Nej

Tack för ditt svar!

Eventuell kommentar: (Max 600 tecken)

Information till dig som skickar kommentar

  • Observera att du inte kommer att få något svar på dina synpunkter.
  • Dina kommentarer kommer endast att läsas av Vårdguidens webbredaktion.
  • Ring 08-320 100 om du har medicinska frågor.
Dela med andra
Skriv ut
EPiTrace logger