Doorasho madaxbanaan (Om valfrihet på somaliska)

Haddii aad deggan tahay gobolkan Stockholm waxaad dooran kartaa meesha lagugu daaweynayo iyo cida ku daaweynaysaba meel kasta gobolka ha ka joogaane, waxadna u dooran kartaa xaaladaha daryeelka caafimaadka badankooda. Doorashad madaxbanaani waxay khusaysaa daryeelka caafimaadka ee maamulka caafimaadka ee gobolku ka masuulka yahay iyo ka gaarka loo leeyahayba, kuwaas oo ay caafimaadka gobolku kharashka siiyo. Doorashada madaxabanaani waxay kuu suurgelinaysaa in aad doorato daryeelbiixiye kugu haboon oo dabooli kara baahidaada.

Sidaan u dooranayaa?

Rugta daryeelka caafimaadka ama fadhiisinka takhaatiirta gaarka ah iyo rugta daryeelka carruurta sida ugu fudud ee aad u dooran kartaa waa adigoo buuxiya foomka aad ka heli kartid bogga internetka ee hagaha caafimaadka qaybta ay ku qoran tahay xidhiidhadayda daryeelka caafimaadka. Foomamka waxad kale oo kala soo bixi kartaa hagaha caafimaadka adigoo dooranaya rugta daryeelka caafimaadka kabacdina rugta daryeelka carruurta. Haddii kale waxaad wici kartaa hagaha caafimaadka oo laga helo teleefanka lambarkiisu yahay 08-320 100 si aad u dalbato in laguu soo diro foomamka. Waxaad foomka doorashada geyn kartaa rugta daryeelka caafimaadka, haddii aad rabtona waxad ku diraysaa boostada.

Doorashada daryeelka caafimaadka ee Stockholm

Doorashada daryeelka caafimaadka ee Stockholm waa shaabad/tiimbare tayo, kaas oo muujinaya in rugta caafimaadku ka soo bixi karayso wixii loo xilsaaray. Taasi waxay keenaysaa in daryeelka caafimaadku isku tayo noqdo maadaama laga rabo in ay yeeshaan tayadii laga rabey si ay u noqdaan qayb ka mid ah doorashada daryeelka caafimaadka ee Stockholm.

Doorashada daryeelka caafimaadka ee Stockholm intaa waa sii kordhayaa oo mustaqbalka waxaad awoodi karaysaa in aad doorato noocyo daryeel caafimaad oo ka badan kuwa maanta aad dooran kartid. Akhri daryeelka caafimaad ee ku jira doorashada daryeelka caafimaadka ee Stockholm.

Dooranaya

Si ay doorashadaada daryeelka caafimaadka ama takhtarka gaarka ahi u fududaato waxad is barbardhigi kartaa rugaha caafimaadka. Waxad is barbardhigi kartaa inta ay qaadanayso in laga jawaabo telefoonka iyo weliba waxa ay ka sheegaan bukaansocodku sida loo qaabilo rugaha caafimaadka ee kala duwan.

Balanqaadka daryeelka caafimaadka macnaheedu waxa weeye in aad ka bedelan karto bixiyaha daryeelka caafimaadka oo aad mid kale uga bedelan karto haddii bixiyaha daryeelka caafimaadkaagu aannu kuu heli karayn kulan takhtar iyo daaweyn wakhti macquul ah.

Rugta daryeelka caafimaadka/fadhiisinka takhtarka gaarka ah.

Rugta daryeelka caafimaadka ama fadhiisinka takhtarka gaar ah waa lagaa baadhi karaa, lagaana daaweyn karaa xanuunada iyo dhibaatoonka badankooda. Marka ugu horeysa waxad la xidhiidhaysaa takhtarka gaar kuu ah haddii ay ku hayso dhibaato caafimaad daro ama aad u baahan tahay talo bixin. Haaddii aad rabto waad dooran kartaa takhtar kuu gaar ah, khasabse ma ah in aad takhtar doorato waayo mar walba waad ka helaysaa daryeelka caafimaad ee aad uga baahan tahay rugaha daryeelka caafimaadka.waxaad dooran kartaa rugta daryeelka caafimaadka ee aad rabto iyo weliba takhtarka aad rabto, waxadna is diiwaangelinaysaa marka ugu horeysa ee aad tagto halkaas. Waxa kale oo aad ka bedelan kartaa rugta daryeelka caafimaadka iyo takhtarka gaarka ahba markasta oo aad rabto.

Haddii aad taqaan takhtarka aad dooran lahayd, waxad xidhiidh la samaynaysaa rugta daryeelka caafimaadka ee uu ka shaqeeyo takhtarku. Waxa dhici karta in aanay meeli ka banaanayn takhtarka aad rabto oo aanu qaabili karin dad cusub.markaa waxaad isku qori kartaa liiska sugitaanka ee takhtarkaas.

Takhtarka takhasuska gaarka ah leh iyo Isbitaalka weyn

Haddii aad u baahan tahay daryeel caafimaad oo takhasus gaar ah leh, takhtarkaagu waa in uu waraaq u qoraa takhtarka takhasuska gaark a ah leh. Takhtarkaaga ayaa qiimaynaya daryeelka caafimaad ee aad u baahan tahay, laakiin adiguna waxaad dooran kartaa takhtarka takhasuska gaarka ah leh iyo rugta caafimaad ee loo dirayo codsigaa takhtarku qoray. Waxaad dooran ka liiskiisa sugitaanku gaaban yahay ama isticmaala hab daaweyn si gaar ah loo dejiyey, waxaad kale oo dooran kartaa ka u gu dhow gurigaaga ama meeshaada shaqada.

Xaaladaha ay dhacdo in ay jiraan wakhtiyo sugitaan tusaale ahaan sugitaan qaliin oo kale, waxaad is barbardhigaysaaI waktiyada sugitaanka ee rugaha caafimaadka ee kala duwan.

Khasab ma ah in waraaq loo qoro si aad ula kulanto takhtarka takhasuska gaarka ah leh, laakiin haddii aad u timaadid takhtarka takhasuska gaarka leh oo aad ka sidato warqad takhatarkaaga waxa gaabnaanaya wakhtiga sugitaanka, takhtarkuna wuxu qiimayn karayaa daryeelka caafimaad ee aad u baahan tahay. Kulankaaga takhtarka gaarka ah waxa kaa baxaysa lacag yar haddii aad warqad ka sidato takhtarkaaga. Doorashada madaxabanaani ee isbitaalka waxay imanaysaa markaad u baahatid in lagu dhigo isbitaal iyo mrakaad kulan ku leedahay rug caafimaad ama qayb ka mid ah qaybaha isbitaalka.

Rugta daryeelka caafimaadka iyo rugta dumarku ku dhalaan carruurta

Haddii aad leedahay uur waxaad dooran kartaa rugta daryeelka caafimaadka hooyooyinka, rugaha qalabka lagu dhegeysto codka ilmaha iyo rugta dhalmadaba.  Waad dooran kartaa rugtii daryeelka caafimaadka hooyooyinka ee aad rabto waxayse arrintaasi ku xidhan tahay in rugtaas ay suuragal u tahay in ay ku qaabisho.

Haddii rugta dhalmada ee aad dooratay aanay meel kuu hayn marka aad umulayso waxay kaa caamiyaan sidii aad u heli lahayd rug dhalmo oo kale.

Rugta daryeelka caafimaadka carruurta

Rugta daryeelka caafimaadka carruurta waad booqan kartaa si aad hubiso in ilmahaagu horumar samaynayo oo caafimaad qabo. Haddii ilmahaagu xanuunsanayo waa in aad la xidhiidhaa rugta daryeelka caafimaadka ama takhtarka kuu gaarka ah fadhigiisa, ha la xidhiidhin qaybta daryeelka carruurta.waxaad dooran kartaa rugta daryeelka caafimaadka ee aad rabto waxayse arrintaasi ku xidhan tahay in rugtaas ay suuragal u tahay in ay qaabisho ilmahaaga.

Rugta daryeelka caafimaadka dadka gaboobey

Rugaha daryeelka caafimaadka dadka gaboobey waxay wadashaqayn la leeyihiin rugaha daryeeelka caafimaadka, fadhiisimada takhaatiirta gaarka ah iyo rugaha daryeelka caafimaadka ee degdega ah. Daryeelbixiyayaashaasi waxay warqaad kuugu qorayaan rugta daryeelka caafimaadka dadka gaboobey ee ugu dhow gurigaaga. Rugtaas daryeelka dadka gaboobey ee kuugu dhowi waxay qiimeynaysaa qoraalkii laguu soo qoray, haddii ay u arkaan in aad u baahan tahay xannaanda dadka gaboobey markay eegaan baahidaada waxad markaa dooran kartaa xannaanada dadka gaboobey meel kasta ha kaga taalo gobolkee.

Duugniinka iyo masaajaynta xubnaha

Haddii aad u baahan tahay duugniin iyo masaajaynta xubnaha waxaad toos ula xidhiidhi kartaa kalkaaliyaha duugmada iyo masaajada umana baahnid in takhtarkaagu kuu qoro waraaq. Adiga ayaa dooranaya kalkaaliyaha duugmada iyo masaajada aad rabto.

Daryeelka caafimaadka maskaxda/nafsiga

Adiga naftaada ayaa dooran kara daryeelka caafimaadka nafsiga ah ee aad rabto, meeshaad rabto adigoo ka degan gobolkan. Meelaha bixiya daryeelka caafimaadka nafsiga ah qaarkood waxay kaaga baahan yihiin in aad waraaq ka sidato takhtarkaaga. Adiga naftada ayaa wici kara meelahaas si aad u weydiisi in ay kaaga baahan yihiin waraaq iyo in kale. Doorashada madaxabanaani waxay khusaysaa daryeelka caafimaadka nafsiga ah ha ahaato ka dadka waaweyn, ka carruurta, ka quudinta dadka ay cuntada dhibi ka haysato, iyo kuwa mukhaadaraaka ki xidhmay. Meelahaas ama rugahaas waad ka bedelan kartaa adigoo u bedelanaya mid kale.

Xitaa qofka buka ee ay tahay in khasab lagu daweeyo wuu dooran karaa meesha lagu daaweynayo ama lagu daryeelayo. Laakiin mararka qaarkood ayuu diidi karaa takhtarku in aad bedelato. Taas waxa sababi karaa nabadgelyada qofka ama in in qofku u baahan yahay daryeel degdeg ah.

Drayeelka caafimaadka ilkaha

Doorashada madaxabanaani waxay kale oo khusaysaa daryeelka caafimaadka ilkaha, ka dadka waaweyn iyo ka carruurtaba. Waxaad dooran kartaa takhtarka ilkaha iyo kalkaaliyaha caafimaadka ilkaha ee ka shaqeeya daryeelka caafimaadka ilkaha ee caafimaadka gobolku lacagtooda bixiyo.

Daryeel caafimaad oo gobol kale

Haddii aad tahay qof ka tirsan caafimaadka gobolkan Stockholm waxaaad xaq u leedahay in aad doorato daryeel caafimaad oo gobol kale. Doorashadu waxay khusaysaa daryeel caafimaad ee heshiis la leh caafimaadka gobolka. Qaliimada la isku qurxiyo, qaliimada aragti gaabnaanta iyo qaar ka mid ah talaalada ma aha tusaale ahaan kuwo caafimaadka gobolkan Stockholm lacagtooda bixiyo, sidaas daraadeed ma suurageleyso doorashiidii madaxabanaanayd ee gobolka kale.xannaanayntii iyo baanashada markii lagu daaweeyey kabacdi waxay leeyihiin shuruuc gaar ah, ee arrintaas adiga iyo takhtarkaagu ka wadahadla.

Norrtälje(Noorteelye)

Degmada Noorteelye(I Norrtälje kommun) waxay soo saartay sannadkii 2010 daryeel caafimaad oo ay dadka deggan degmadu kala dooran karaan afar daryeel caafimaad oo ay ka mid yihiin rugta takhaatiirta gaarka ah ama dareyeelka caafimaadka xaafadda, daryeelka caafimaadka carruurta,, daryeelka codka iyo hadakal, daryeelka caafimaadka cagaha. Doorashadani waa mid suurgal u ah in ay doortaan dadka kale ee deggan gobolkan.

Suáalo, Rayiyo iyo cabasho

Haaddii aad qabto suàalo ku saabsan caafimaadka iyo daryeelka gobolkan ama aad u baahan tahay in lagaa saacido meeshii aad la xidhiidhi lahayd waa in aad la xidhiidhaa oo wacdaa hagaha daryeelka caafimaadka, kana wac telefoon lambarkan 08-320 100.  Kuwa ka jawaabaya teleefankan waxay xitaa kuu sheegi karaan rugta daryeelka caafimaadka ee aad ku qoran tahay.

Waxaad kale oo internetka ka weydiin kartaa suàashaad rabto kalkaaliye caafimaad (Neeras), adigoo geleya bogga hagaha daryeelka caafimaadka qaybta ay ku qoran tahay xidhiidhadayda daryeelka caafimaadka. Saacad gudeheed ayaad ku helaysaa jawaab adiga si shakhsi ah kuu khuseysa.

Haddii ay wax dhibaato kula soo dersaan marka aad raadsanayso daryeel caafimaad, marka ugu horeysa la hadal cidii ku daryeeshay ama ku daaweysey. Marka labaad waa in aad la xidhiidhaa madaxa hawlgalkaas. Waxaad kale oo la xidhiidhi kartaa guddiga loo xilsaaray dadka bukaansocodka ah.

Artikeln uppdaterad: 2011-12-05
Ansvarig redaktör: Kerstin Otterstål, Vårdguiden
Författare: Tobias Barle, webbredaktör, Vårdguiden
Granskare: Gunnel Blomgren, jurist, processledare, Hälso- och sjukvårdsförvaltningen, Stockholms läns landsting

0 av 0 läsare (0%) har svarat att de har haft nytta av informationen
Hade du nytta av informationen? Ja Nej
Ja Nej

Tack för ditt svar!

Eventuell kommentar: (Max 600 tecken)

Vi läser alla kommentarer men har ingen möjlighet att svara. Har du frågor kan du i stället ringa Vårdguiden på telefon 08-320 100.

Skriv ut
EPiTrace logger