Balanqaad daryeel caafimaad (Om vårdgaranti på somaliska)
Balanqaadka daryeelka caafimaadku waxa weeye in aad ku heesho xidhiidhka daryeeelka caafimaadka wakhti macquul ah oo aad weliba hesho xannaanada caafimaad ee aad u baahan tahay. Balanqaadka daryeelka caafimaadku wuxu khuseeyaa daryeel caafimaad oo la qorsheeyey takhtarna goàamiyey. Daryeelka degdega ah waxaad helaysa isla markiib.
Balanqaadka daryeelka caafimaadka macnaheedu waxa weeye in aad ka bedelan karto bixiyaha daryeelka caafimaadka oo aad mid kale uga bedelan karto haddii bixiyaha daryeelka caafimaadkaagu aannu kuugu heli karayn kulan takhtar iyo daaweyn wakhti macquul ah. Halkan hoose ka akhriso wakhtiyada aannu u xadayney ee khuseeya balanqaadka daryeelka caafimaadka. Baadhitaanada tusaale ahaan sawirka raajada, kuma jiraan balanqaadka daryeelka caafimaadka.
Laga bilaabo 1-da luuliyo 2010 waxa balanqaadka daryeelka caafimaadka lagu qoray sharciga daryeelka caafimaadka.
Balanqaadka daryeelka caafimaadka ee maamulka caafimaadka ee gobolkan Stockholm
Dhammaan wakhtiyada hoos ku qorani waa xilliga ugu dheer. Toos ayaad u helaysaa caawimo wixii degdeg ah.
Xidhiidh isla maalintiiba
Isla maalinta aad caawimada codsatid waa in lagaala soo xidhiidhaa rug caafimaad ama hagaha caafimaadka oo aad ka waci kartid telefoon lambarkan 08-320 100.
Takhtarka kuu gaarka ah in aad kula kulanto 5 maalmood gudohood
Haddii aad u baahan tahay in aad la kulanto takhtar ka shaqeeya rugta caafimaadka waa in aad ku heshaa 5 maalmood gudohood.
Takhtar takhasus gaar ah leh waa in aad ku heshaa 30 maalmood
Waa in aanay ka badan 30 maalmood inta aad kula kulamayso daryeelka caafimaadka ee takhasuska gaarka ah leh laga bilaabo maalinta qoraalka takhtarkaaga la diro.
Daaweyn 90 maalmood gudohood
Takhtar takhasus gaar ah lihi haddii uu u arko in aad u baahan tahay daaweyn waa in laguugu bilaabaa daweyntaas sida ugu dhakhsaha badan, ugu badnaan 90 maalmood markii goàanka daaweynta la gaadhey.
Suàalo ku saabsan balanqaadka daryeelka caafimaadka
Haddii aad qabto suàalo ku saabsan balanqaadka daryeelka caafimaadka, wac hagaha caafimaadka oo ka wac telefoon lambarkan 08-320 100.
Haddii aan laguugu yeedhin in aad la kulanto caafimaadka takhasuska gaarka ah 30 maalmood gudohood ama aan laguu bilaabin daaweyntii laguu qoray 90 maalmood gudohood, marka ugu horeysa waa in aad la xidhiidhaa takhtarkii ku soo diray ee qoraalka u qoray caafimaadka takhasuska gaarka ah, mar labaadka waa in aad la xidhiidhaa xooghaynta balanqaadka daryeelka caafimaadka ee shaqadoodu tahay in ay ilaaliyaan xuquuqdaada xagga caafimaadka sidii laguugu fulin lahaa.
Xooghaynta balanqaadka daryeelka caafimaadka waxad ka wici kartaa telefoon lambarkan 08-123 134 00.
Caawimo ay tahay in aad xusuusato
Jadwalka balanqaadka daryeelka caafimaadka waa xusuusiyahaaga ee kal bax halkan Vårdgarantisedeln. Jadwalkaas waa in aad qoraal ka samaysataa oo ula tagtaa takhtarkaaga gaarka ah iyo ka laguu diroba. Weydiiso labada takhtarba in ay buuxiyaan jadwalkaaga balanqaadka daryeelka caafimaadka meelaha ay ku qoran tahay balanqaadka kulanka (Besöksgaranti) iyo balanqaadka daaweynta (Behandlingsgaranti).
Rayiyada iyo cabashooyinka daryeelka ka bacdi
Haddii aad hayso wax rayi ah ama cabasho ku saabsan daryeelka caafimaadka, marka ugu horaysa waa in aad la xidhiidhaa rugtii caafimaad ee lagugu daaweyey. Waxad kale oo la xidhiidhi kartaa guddiga bukaan socodka oo aad ka wici karto teleefan lambarkan 08-690 67 00.
Artikeln uppdaterad: 2011-12-05
Ansvarig redaktör: Kerstin Otterstål, Vårdguiden
Författare: Anna Hammarström, webbredaktör, Vårdguiden
Granskare: Eva Lestner, handläggare, Hälso- och sjukvårdsförvaltningen, avdelningen för somatisk specialistvård
Bli först med att tycka till om informationen!
0 av 0 läsare (0%) har svarat att de har haft nytta av informationen
Skriv ut